Wiil Ay Dhaleen Lamaane Ka Mid Ah Milyaneerada Hollywood Oo Derbi Jiif Ah Kuna Nool Hanbada Qashinka Lagu Qubo

Mid ka mid ah qoysaska ugu hantida badan dalka Maraykanka, gaar ahaan bahda filimada ee Hollywood ayaa warbaahinta dunidu la kulantay isaga oo derbi jiif ah, xaalad adag oo nololeedna ku sugan, waxaana wiilkan oo hantida labadiisa waalid kor u dhaafayso shan boqol oo milyan oo dollar, uu quutal daruurigiisa ka helaa meelaha cuntada hanbada ah lagu soo daadiyo.

e2 Wiilkan ayaa waxa dhalay lamaane Ka mid ah aktarada ugu caansan e5(1)Hollywood, kuwaas oo kala ah, James Brolin iyo Barbra Streisand, kuwaas oo lacagtoodu qasnadaha bangiyada dalka Maraykanka harqisay, balse wiilkooda Jess Brolin waxa uu isagoo dib jir ah ku nool yahay, cuntooyinka hanbada ah ee dadku meelaha qashinka ku soo qubaan.

Qof kasta oo ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Ojai, ee gobolka California, ee dalka Maraykanku si fiican u yaqaana, ninkaas iyo xaalada uu ku nool yahay, sida ay ku warantay jariirada Daily Mail, xaalada ninkan ayaa ah mid aad u adag, oo mararka qaarkood ay dhacdo inuu u hoydo gidaarada iyo barandayaasha suuqyada ganacsiga, iyadoo qabowgu meel daran marayo.

e11(2)Sida jariiradu xustay waxa uu Jess oo afartan jir ahi, maalin kasta qadoodiga la jiifsadaa, gidaar ama waddo aan dhawr kilo mitir ka fogayn, qasriga wayn ee guryaha lagu raaxaysto Maraykanka kuwooda ugu quruxda badan ka midka ah, ee qoyskiisu degan yahay.

Ninkan ayaa sida jariiradu sheegtay waxa dibjirnimadan u sii dheer xalaadiisa caafimaad oo aan fiicnayn, sababtoo ah waxa uu ka xanuunsanayaa dhimirka, waxaana haya dhibaato caafimaad oo buurnaanta iyo culayska badan ee jidhkiisu ku hayo.

Makra la eego dhaxalka uu qoyskooda ku leeyahay sida sharciga dalka Maraykanku dhigayo, waxa uu ka heli karaa, aduun dhaqaale oo nolol ahaan ku filan caafimaadkiisana wax badan ka tari kara.

Jariirada oo qoyska ninkani ka dhashay ee milyaneerka ah ka waraystay, xaaladiisa ayaa sheegtay in, afhayeen u hadlay qoyska oo ay walaalo yihiin, ninkani uu u sheegay, in dhibaato ka haysato xaaladiisa nololeed, marar badana ay isku dayeen inay xal kama danbays ah u helaan.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply