Wiil U Dhashay Dalka France Oo Hal Xabo Oo Sandawiish Ah Diyaarinayay Muddo Toban Bilood Ah!

Waa arrin aad u la yaab badan in hal xabo oo Sandawiij ah samayntiisu ay qaadato in ka badan toban bilood.

Run ahaantii arrintaasi waxa ay ku dhacday wiil u dhashay Falka France oo magiciisa la yidhaahdo Benjamin Carl waxa uu markii hore beertiisa ka beeray hadhuudh kaasi oo uu ugu tala galay in uu ka sameeyo roodhida uu sandawiishka ka samayn lahaa .

Intaasi kadib ayaa waxa uu beeray beer khudarad ah intaasi kadib waxa uu soo kaluumaystay Kaluunka loo yaqaan Tuunada ee lagu daro Sandawiishka .

Intaasi kadib waxa uu dhaqday digaag waxa aanu kaydsan jiray beedka uu digaagaasi dhalo waxa aanay dhamaan arrimahaasi ku qaateen muddo toban bilood ah waxa aanu ugu dambayntii sameeyay Sandawiish sida lagu baahiyay Sputniknews.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com