Wiil dhalin yar ah oo i dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa uu sameeyay arrin aad u la yaab badan si uu uga badbaado shaqada Askari nimo ee waajibka ku ah qof kasta oo muwaadina oo u dhashay Dalkaasi.

Wiilkan ayaa waxa uu isku naaxiyay si xad dhaaf ah si uu uga badbaado shaqadaasi uu ku qasbanyahay balse waa laga yeeli waayay in lagu dhaafo sidaasi waxaana loo taxaabay xabsiga .

Wiilkan ayaa waxa ay da’diisu tahay 21 jir waxa aanu ka qalin jabiyay dugsigiisii sare sanadkii 2016kii wiilkan ayaa waxaa uu miisaankiisa ku daray 30 kg waxa aanu miisaankiisu noqday 113 kg,wiilka ayaa waxa uu tagay baadhitaankii uu u gali lahaa shaqadaasi milatari balse miisaankiisa ku kordhay awgii ayaa waxa lagu ganaaxay in xabsiga loo taxaabo.

Qanuunka dalkaasi ayaa waxa uu dhigayaa in qof kasta oo u dhashay Dalkaasi uu u khidmeeyi Milatariga muddo 20 bilood ah isla markaana qofka diida amase ka carara lagu fuliyo ciqaab.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA