Wiil Yar Oo 16 Jir Ah Oo Ku Dhuuntay Qaybta Cargo-ga Ee Diyaarada Fly Emirates

Ciidamada Ilaalada Garoonka Dubai ayaa gacanta ku dhigay wiil yar oo 16 jir ah oo u dhashay dalka China, kaasoo si dhuumasho ah Diyaarada Emirates kaga  soo raacay magaalada Shanghai.

Wiilkan yar ayay u suurtagashay, inuu ku dhuunto qolka lagu keydiyo alaabta (GARGO), shirkada Emirates ayaa sheegtay, in wiilkan yar ay ku wareejiyeen laamaha amaanka garoonka Dubai.

Shirkada Emirates ma aysan sheegin magaca wiilkan, balse wakaalada wararka Xinhua ayaa magaciisa ku sheegtay XU

Wakaalada Xinhua, ayaa sidoo kale sheegtay in wiilkan uuna wax dhibaato ah la kulmin mudadii ay diyaarada soo socotay oo lagu qiyaasay ilaa 9 saacadood oo xidhiidh  ah, sidoo kale ma’uusan qaadan wax raashin ah sagaalkaas saacadood ee uu hawada kusoo jiray.

 

Qolka lagu qaado badeecadaha ee Diyaarada, ayaa la sheegay inuu yahay qol jawigiisu dhexdhexaad yahay, islamarkaasina wax dhibaato ah kasoo gaadhayn  hadii qof ku safro.

Wakaalada wararka Xinhua, ayaa sidoo kale shegtay in wiilkan yar uu doonayay in mudo ah inuu u safro Dubai, maadaama uu maqlay in halkaas ay kajiraan fursado shaqo.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments