Wiilka ka yar Shahid Kapoor ee lagu magacaabo Ishaan Khatter ayaa lagu soo waramayaa inuu dhawaan kusoo biiri doono shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood, sida ay wararku sheegayaan.

21 sanno jirkaan Ishaan Khatter ma ahan wiil dab yar shidaya wuxuuna caawiye dhanka agaasinka ah ka noqday filimkii guulaha ganacsi ku tallaabsaday ee Udta Punjab sannadkii tegay 2016kii. Kuna darso xitaa wuxuu filimkaas ku lahaa muuqaal marti ah.

Haatan wararka kasoo baxaya India ayaa sheegaya inuu Ishaan kusoo caan bixi doono filimka ay hogaamiyaha ka tahay Deepika Padukone ee Floating Gardens kaasoo uu sameeyey ninka u dhashay Iran ee Majid Majidi.

Wuxuu filimkaan Floating Gardens kaga soo muuqan doonaa doorka inuu yahay wiilka la dhashay Deepika Padukone.

Waxayna noqon doontaa arrin xiiso leh maadaama ay atariishada DP shaashadda la wadaagi doonto laba walaalo ah Shahid ayey shaashadda kala soo muuqan doontaa filimka Padmavati, halka Ishaan uu la sameyn doono filimka Floating Gardens.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA