Xaaskii hore ee madaxwaynaha Dalka Maraynka Ivana Marry Trump ayaa waxa ay difaacday Saygeedii hore ee ay kala tageen ee haatan ah madaxwaynaha Dalka Maraykanka ee Donald Trump.

Ivana ayaa waxa ay Donald Trump u dhashay saddexda Caruura ee kala ah Ivanca iyo Erick iyo Donald ka yar ,Ivana ayaa waxa ay Difaacday Donald Trump waxa aanay sheegtay in aany Cunsuri ahayn balse ay ka soo yeedhaan hadalo Maalayacni ah oo aan wax qiima ah lahayn.

Trump iyo Ivana oo haatan da’deedu tahay 68 ayaa waxa ay is guursadeen sanadkii 1977kii waxa aanay kala tageen sanadii 1992kii,waxa aanay u dhashay saddexdaa caruurta ah ee aan soo sheegnay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.ner/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA