Khuuradu waa dhibaato aad u badan oo soo waajahda dadka qaar taasi oo qofka ay haleeshaa uu muto dhib aad u badan .

Tilmaan Codka Ka Soo Yeedha Qofka Khuuriya

Qofka khuuriya marka uu seexdo waxa dhibasada dadka ay wada hurdaan gaar ahaan dad xaaska ah ee is qaba dalalka qaar ayaa waxa laga soo wariyay in lamaane is qabaa ay maxkamado isla galeeb khuuradaasi awgeed xukunkii ka soo baxayna waxa uu noqday in ay kala tagaan maadaama oo xal khuuradada laga baa’biiyo loo waayay labadaasi lamaane koodii khuurada badnaa .

Haddaba waxa dhawaan la soo saaray Lesar cusub oo loogu tala galay dadka khuuriya,qalniinkan cusub oo lagu daawaynayo khuurada ayaa waxa fulin doona dhakhaatiirta ilkaha .

Qalniinka cusub ee lagu dawaynayo dadka khuuriya ayaa waxa ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in uu ka mid yahay qalniin fudud ,waxaana dhawaan qalniinada noocaasi oo kale ah ay dadku ka heli doonaan dhakhaatiirta ilkaha .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA