Xanuunada Jaceylka Waxaa Ugu Xanuun Badan Labo Marxaladooda Oo Kala Ah… “Xikmadaha Jacaylka Isbuuca

xiiso badan kagama hadli doono qodobo aad lamaanahaada ugu dirsan karto qaab fariin
qoraaleed amaba aad si toos ah ugu dhihi kartid. Shabakada hawraar.com isbuucaan
xikmadaha waxeey kugu soo gudbineysaa tallooyin iyo xikmado loo baahanyahay inaad fahanto macnaha aay ku fadhiyaan.
Dhamaan waxey ka turjumi doonaaan arimo jaceyl ah oo keliya ee aan iskaga kiin
dhax baxo mucaashiqiinta soomaaliyeed iyo qodobadii kobciye.com aay idin kugu
tlo gashay……..

Xanuunada Jaceylka Waxaa Ugu Xanuun Badan Labo Marxaladooda
1, Marka jaceylkaaga uu ku jeceylyahay, balse uusan kuu sheeganeyn,
2, Marka qofka aad jeceshahay uusan ku jecleyn, balse uu kuu sheegayo inuu ku jeceylyahay.
Jaceylku marnaba ma iska fogeyn kartid wuxuu walaal buuxo la yahay
noloshaada, keliya wuxuu dhamaanayaa markii naftaada aay go’do, ka hor
marnaba ha isku dayin inaad dhahdo jaceylka waan iska xirayaa kulama
tashanayo.

Farxada Ugu Qaalisan dunida waa in lagu jeclaado ama aad adigu wax jeclaato..
Fursada jaceylka waxeey la mid tahay sida barafka, hadii aad in badan ku dul
fikirtid fursadaasi halkaas ayey kugu dhaafeysaa, maxaa yeelay barafka hadii in
badan meel cidlo ah loogu sugo waa kan dhalaala sida fursada jaceylkaba hadii
aay kaa daahdaba kuu dhaafto.

Hadii aad qof si dhab ah u jeceshahay, ha isku dayin keliya inaad sheegis ugu
ekeeysid, isku day inaad tusto jaceylka aad u qabto oo aad dareensiiso.
Ogoow Carabkaaga hadalo uu ku dhawaaqay in aay jebin karaan qalbiga ruuxaad  jeceshay

suxufigadariC@gmail.com

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply