Hurdadu waxa ay ka mid tahay wax yaabaha aanu aadamuhu cilmigeeda wax badan ka ogaan, muddadaa qarniyada ah ee sida joogtada ah loo helayey cilmiyada cusubna daraasadaha la sameeyey inta lagu ogaaday aad ayaa ay u kooban tahay. Qormadan ayaa shabakadda Elaph waxa ay ku eegaysaa qaar ka mid ah siraha ku jira hurdada ee illaa hadda cilmibaadhisuhu ogaadeen.

  1. Ciqaab: Hurdadu waxa ay ka mid tahay aasaasiyaadka nolosha qofka, oo la’aanteed ay keenayso dhimasho, waana sababta keentay in aadamuhu ka dhigtaan nooc ka mid ah ciqaabta ay mariyaan cidda ay cadow u arkaan. Dawladaha qaar ayaana laamahooda dembi-baadhista u ogol in hurdada laga dhigto hub qofka eedaysanaha ah ee la waraysanayo ku qasba in uu sheego xogta looga baahan yahay, waxa aana habkaas loo yaqaannaa ciqaabta maamulidda hurdada, “Sleeping management”

Tusaale ahaan dalka Maraykanka sharcigoodu waxa uu ogolyahay in qofka maxbuuska ah lagu ciqaabi karo, laakiin waxaa shardi ah in aanu waqtigaasi ka badanin Toddoba maalmood iyo maalin badhkeed. Sida ay in badan ka warramaan dadka uu Maraykanku ku xidhay xabsiga caanka ah ee Guantanamo Bay iyo xabsiyada kale ee uu dunida ku leeyahay marka ay doonayaan in qofka ay hurdada, waxa ay ku shidaan ilays aad u kulul aadna xadhaaf u ah, ama waxaa lagu shidaa muusig aad u dallacan oo aanu qofku ilaashan Karin, mararka qaarkoodna waxa ay qofka u xidh-xidhaan hab hurdadu aanay suurtogal ahayn.

Waxaa la aaminsan yahay in ciqaabta ah in qofka hurdada loo diidaa ay keento xaalado nafsi ah oo aakhirka qofka ku qasba in uu qirto dembiga uu galay ama xitaa mid aanu gelin oo laga rabo in uuqirto. Haayado badan oo kuwa xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqa ah ayaa u ol’oleeya in la joojiyo ciqaabtan hurdo u didista ah, iyaga oo ku doodayo in ay ka hor imanayso axdiga Qaramada Midoobey ee jidh dilka iyo ciqaabta maxaabiista diidaya.

  1. Hurdo yaraan: Baadhitaanno cilmiya oo marar kala duwan la sameeyey ayaa iftiiminaya in tirade saacadaha qofka dhalinyarada ahi u baahan yahay ay tahay 8 saac iyo badh, halka dadka waayeelka ahna ay u baahan yihiin in ay 7 saac iyo badh hurdaan. Laakiin waxa ay daraasadahani muujinayaan in hab-nololeedka dunida maantu uu qasab ka dhigayo in dadka badankoodu ay seexdaan hurdo aad uga yar intaas aynu xusnay.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen inqofka oo muddo dheer hurdo yaraan ku jiraa ay keenayso in hurdada uu seexdo maalmaha fasaxa toddobaadku aanay ku filnaanayn ama u kabayn faa’idadii hurdo ee ka maqnayd, waxa aanay aakhirka keeni kartaa khalkhal dhinaca hurdada kaga dhaca qofka. Arrinta xiisaha leh ee daraasadahani muujinayaan ayaa ah in qofku saacadaha dheeraadka ah ee uu seexdo maalmaha fasaxa (Innaga waa Khamiis iyo Jimce) aanay waxba ka tarayn xaaladaha caafimaad ee ka dhasha hurdo la’aanta.

  1. Habdhiska cuntada: Hurdo yaraantu waxa ay qofka ku keentaa khalkhal dhinaca nidaamka cuntada ah, waxa aanay si muuqata u daciifisaa xusuusta maskaxda iyo awoodaheeda garasho, sidoo kale hurdo yaraantu waxa ay saamayn ku yeelataa hab-dhiskadifaaca qofka, ugu dambayntana dhibaatada caafimaad iyo jidheed ee hurdo yaraantu qofka ku keentaa waa mid xitaa marka uu soo jeedo laga dareemi karo oo firfircoonidiisa hoos u dhigta.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen inhaddii saacadaha uu celcelis ahaan qofku seexanayo muddo laba toddobaad oo xidhiidha ah, si muuqata loo dareemo hoos u dhac wax-soo-saar iyo shaqo oo ka hooseeya ta qofka hurdo yaraantiisu ay tahay 24 oo keliya, haddii xaaladdaas hurdo yaraanta ahi soo socotana waxa ay gaadhaysaa halka ugu hoosaysa oo qofku uu kari waayo in uu far dhaqaajiyo.

  1. Maxaa aynu u seexannaa?

In kasta oo marka si kor xaadis ah su’aashan loo eego ay u muuqato mid aad u fudud, haddana runtu waxa ay tahay in illaa hadda baadhitaannada kala duwan ee culimada cilmibaadhista iyo Saynisku fasiraad waafi ah u la’ yihiin hurdada iyo sababaha runta ah ee keena. Waxa se’ ay saynisyahannadu sheegeen in si guud hurdadu ay tahay lagama maarmaan u tahay nolosha noolaha oo dhan oo uu dadkuna ku jiro, laakiin nooca hurdada, qaabka hurdada iyo muddada loo baahan yahay ay ku kala duwan yihiin. Saynisyahannada qaar ayaa sheegaya in hurdadu ay cusboonaysiiso ama dib u abuurto unugyo badan, qofkana u ilaaliso tamarta, sidoo kalana waxa ay kor u qaaddaa awoodda garasho iyo faham ee maskaxda, waxa aana u fududaada waxbarashada.

Si kastaba ha ahaato ee dhammaan arrimaha aynu soo sheegnay ma laha xujo cilmi ah oo loo cuskanayo, waayo weli saynisyahannadu iskuma ay waafaqin qeex gaar ah oo hurdada ay ugu yeedhaan, iyo in xayawaannada ay faa’ido isku mid ah u leedahay ama qaarkood ay faa’ido kuwa kale ka badan ay ka helaan, iyaga oo khubaradu taas tusaale ugu soo qaatay in xayawaannada qaar ay seexdaan iyada oo aanu is dhimin firfircoonidii neerfayaashoodu.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA