Sunny Deol, waa 59 sanno jir, waa wiilka uu dhalay halyeeyga Bollywood Dharmendra waana wiilka ka weyn lana dhashay atooraha caanka ah Bobby Deol.

Laba jeer ayuu ku guuleystay abaalmarinta Filmfare Awards, sidoo kale wuxuu heystaa laba abaalmarin oo National Film Awards ah wuxuuna billadahaan helay intii lagu jiray waayihiisii fanka.

Sunny Deol sannadkii 1983dii ayuu kusoo biiray Bollywood wuxuuna kusoo galay filimkii Betaab kuna darso filimkaas wuxuu ugu tartamay billadda Filmfare Best Actor Award.

Wixii intaas ka dambeeyey wuxuu noqday xiddig ay si weyn u jecel yihiin aflaantiisa taageereyaasha Bollywood wuxuuna 1980meeyadii iyo 1990meeyadii sameeyey aflaan guulo ku tallaabsaday sida Tridev, Arjun, Kroadh, Ghayal, Vishwatma, Darr, Damini – Lightning, Jeet, Ghatak, Border, Ziddi, Arjun Pandit iyo kuwo kale.

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa 8 xaqiiqo oo u gaar ah Bollywood Action Hero Sunny Deol, kuwaasoo ay ku riyaaqi doonaan taageereyaashiisa gaarka ah.

Magaciisa rasmiga ah waa Ajay Singh Deol, laakiin waxaad u garan ogtahay magaca uu shaashadda caanka uga noqday ee Sunny Deol.

Sannadkii 1999kii ayuu markiisii ugu horreysay agaasime iyo maalgeliye ka noqday filim wuxuuna ahaa filimkii Dillagi, waxaana filimkaas hogaamiye ka ahaa walaalkiis Bobby iyo qudhiisa.

Sunny Deol waa shaqsi markasta ka gaabsada inuu la falgalo warbaahinta marka laga hadlaayo noloshiisa shaqsiga ah. Waxaana u dhaxda Pooja Deol oo laba cunug u dhashay. Laakiin muddo dheer ayuu xiriir jaceyl kala dhexeeyey atariishadii weyneyd Dimple Kapadia taasoo uu markii dambe guursaday Rajesh Khanna.

Sunny Deol wuxuu xirfadda jilliinka kusoo bartay dalka England gaar ahaan Old Rep Theater.

Aflaan badan oo dagaal ah ayaan ku aragnay Sunny Deol wuxuuna markaas gudbinayey farriin nin dagaalyahan ah, balse marka laga hadlaayo noloshiisa dhabta ah waa shaqsi edeb badan isla markaana hadal dabacsan.

Bishii August 2013kii, warbaahinta India ayaa daabacday in codka Sunny Deol loo adeegsaday filimkii Riddick ee uu hogaamiyaha ka ahaa Vin Diesel qeybtiisii Afka Hindiga, balse illaa haatan isagu ma uusan xaqiijin.

Wiilka uu dhalay Sunny Deol ee Karan ayaa agaasimaha caawinta ka ahaa filimkii Yamla Pagla Deewana 2, halka uu sidoo kale qaaday heesta Diljit Dosanjh ee filimkii YPD 2 taasi waxay ku tusineysaa inuu diyaar u yahay inuu gashado kobihii aabihiis.

Sunny waxaa si weyn loogu garanayaa inuu yahay shaqsi leh murqo waa weyn balse wuxuu kaga dayday Hollywood Superstar Sylvestor Stallone. Wuxuuna isku diyaariyaa qalabka jirdhiska Sylvestor Stallone oo kale markasta oo uu aflaan sameynayo.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA