Xaruntii Ganacsiga Aduunka New York Oo 13-Sano Kadib Dib Loo Furay

Xaruntii ganacsiga aduunka ee magaalada New York oo sadex iyo toban sanadood ka hor ku burburtay, weeraradii 11/09/2001-kii, ayaa dib loo furay, ka dib markii dhisme muddo sideed sanadood ah socday dib loogu hir galiyay xaruntaas.

Sida wararku tilmaamayaan, xarunta cusub ayaa ah mid leh nidaamka ammaan ee ugu sareeya dunida, taas oo ah dhisme boqol iyo afar dabaq ah, waxaanu noqon doonaa ka ugu dheer dalka Maraykanka, in kasta oo shan dabaq dharar ahaan uu ka gaaban yahay labadii daarood ee mataanaha ahaa ee xaruntaasi markii hore ka koobnayd.

Dhismahan ayaa la sheegay inay ku baxday lacag lagu qiyaasay, sadex bilyan iyo sagaal boqol oo milyan oo dollar, waxaana loo dhisay qaabka xitaa loogu talo galay in haddii diyaarad danbe duqayso aanay wada jiidhi Karin oo waxa loo sameeyay geeso iyo qaab aan qayb isku wada siman oo soo jeeda ama dhinac wada raacsan lahayn, gaar ahaan marka qaybtiisa sare ee fooqaas ee diyaaraduhu jiidhi karaan laga eego.

Xaruntan ayaa la sheegay in boqolkiiba lixdan ka mid ah durba la kiraystay oo xarumihii hore ee ka shaqayn jiray, dib uga hawl gali doonaan, waxa kale oo muddo dhawr todobaad ah, la gaynayay goobtaas dhawr boqol oo ka mid ah shaqaalihii hore uga shaqayn jiray xaruntii weeraradii diyaaradaha lagu burburiyay, kuwaas oo lagu dejinayay niyadooda.

Sida warbixin laga soo saaray xaruntan cusub ee ganacsiga aduunku tilmaamayso, waxa si rasmi ah uga hawl gali doona, ku dhawaad shan kun oo qof, waxaana laamaha iyo xafiisyada tirada badan ee durba kiraystay xaruntaas ugu badan laamo ku abtirsada xukuumada Maraykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa qabta adeegyada kala duwan ee bulshada.

Shaqaale tiradooda lagu qiyaasay ilaa boqol iyo todobaatan kun oo qof ayaa ka hawl galay, dhismaha xaruntan cusub, kuwaas oo sida la sheegay sii wadi doona qaybo koob kooban oo wali ka dhiman, waxaana lagu wadaa in gabi ahaanba uu si rasmi ah u hawl gali doono, sanadka soo socda.

Dhismahan ayaa aad uga balaadhan kii hore marka loo eego baaxada dhuleed ee uu ku fadhiyo salkiisu, kaas oo sababta uu uga waynaaday kii hore la xidhiidho sibid aad u badan iyo biro iska difaaci kara dabka oo lagu kordhiyay, si uu ugu adkaysan karo wixii halis ah ee ku timaada.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply