Raggu waxa ay jecel yihiin in ay dumarka ka helaan seddexdaan dabeecadood.

  • Innan Dhowrsan misana Asturan.
  • Innan Af gaaban waliba Xishood badan.
  • Innan leh Dhaqan wanaagsan iyo Dabeecad daggan .

Dumarkuna waxa ay ka siman yihiin ragga in ay ka helaan sedddexdaan dabeecadood.

  • Nin Naxariis badan misana uga taxaddira sida innantisa oo kale ( gabadha uu dhalay ).
  • Nin Dulqaad badan oo hadii la is qabto noqda kii u sabra xaaskiisa.
  • Nin Xushmad badan oo xaaskiisa u qadariya sida hooyadii oo kale.

Hadaba Innantii nasiib u yeelatay inuu Alle (SW) ugu deeqay dabeecad iyo dhaqan wanaagsan waxaad tahay gabar ( innan) uu nin kastaa ku fakiro ( hamiyo) inuu helo,Sidaa awgeed isku day in aad ilaashato oo aad ku dheganaato dhaqankaana iyo dabeecadahaaga wanaagsan waayo adigaa ah qofka kaliya ay cid kasta baadi goobayso ( raadinayso) in ay xariir la samayso.

Sidoo kale Ragga uu Alle (SW) ugu deeqa dhaqanka iyo dabeecadaha wanaagsan , waxaad ogaataan dumarka waxa ay ku hamiyaan in ay helaan nin adigoo kale ah ee isku day in aad xajisato dabeecadahaaga wanaagsan.

Waxaan Allah ( Sw) waydiisanaynaa Ragg iyo Dumarba inuu siiyo dhaqan iyo dabeecad wanaagsan uuna u fududeeyo guurka intiiba guurdoon ah, Aamin

KA DHIIBO FIKIRKAAGA