Xikmada Maanta

3-   Noloshu waa Rajo Qofkii Rajo Waayana Nolol Waa

Waxaaynu xikmadan ka fahmaynaa binu aadamku waa rajo ku nool Diintuu Doono ha Aaminsanaado Midabkuu Doonnana Hayeeshee. Waxaase Cadaan ah Qofka Muslinka ahi inuu yahay Qofka ugu Rajada wanaagsan, waayoo waxaynu aaminsanahay inaan ilahay laga Rajo go’in, mar walbana xagiisa ilaahay  khayr laga rajeeyo oo laga fisho,Mana aha in Qofka Diinta islaamka ku abtirsadaa inuu u dhaqmo sida Dadka aan Diinta islaamka aaminsanayn, kuwaasoo ah kuwa hore u  Rajo dhiga oo qofka hadii uu kaco.dhanka dhaqaalaha .iyo hadii la yidhaahdo Xanuun halis ah baa ku haya ,iyo hadii uu waayo wax uu doonayey ,ay iyagu iska soo dhaweeyaan Nolosha Naftana iska qaadaan, ama hays deldelo ama hays gubo ama fooq hayska soo tuuro,Ama Sun ha cabo,binu aadamku inuu rajo dhigo waa wax jira oo ilaahay iyo Rasuulkiisa CSW ayaa inoo sheegay waxaynuse dheernahay Umadaha aan ku abtirsan Diinta islaamka waxa weeyee Dawadii Rajo Dhigista ayaa laynoo soo raaciyey oo Diinteenu inoo Tilmaamtay, sidaynu yeeli lahayn, Markaynu Maraxladaa Rajo Dhigista Gaadhno,

4-   Waxaynu Badinaa Hadalka Marka aynaan Hayn Wax Aynu Ku Hadalno:

Waxaaynu Xikmadan ka fahmaynaa hadal badnidu  inaanay qiimo sidaa u sii ridan aanay ku fadhiyin,bal u fiirso dadka ugu hadalka badani intooda badani waa madhan yihiin,Dadka wax odorosa ama wax yaqaanaa ma hadal badna waxaynuna nidhaahnaa ka Soomali ahaan qofkaas waa Af-gaaban yahoo waxaa laga nabad galaa afkiisa iyo gacantiisa,amaantaa Dhaqanka iyo Diinta ah ayaa kuu markhaanti ah inaan qof hadal badani khayr badan qabin, Maah Maah Somali ayaa iyana tidhaahdaa,Nin Hadal Badiyeyna Ma Dhamayn Nin yareeyana Wax Kama Tagin.waxay kale oo yidhaahdaan :Hanbana Sii Hudh Baa Kaa Disha Hadalna Sii dheh, waxaas oo xikmadd lagu xoojinayo hadal badnidu inaanay faaido sidaas ah lahayn ayeey inoo cadaynayaan….

.Halkaa ha inoo joogto Maanta waa inoo iyo Maalin Danbe iyo Wixii Noolaada

Fii Amaani Laah

Waxaa idiin Soo Diyaariyey  Ugaas Maxamed Majabbir

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com