Xikmada Maanta

MALAHA QAFKA CILMIGA BADAN.AYAA KA KHAYR BADAN WUXUU HUBO JAAHILKU.

Waxaynu ka fahmaynaa aqoontu inay hogaamiso binu aadamka. Waxayna kuu cadaynaysaa xikmadani inuu Jahligu yahay habeen madaw oo xitaa waxa uu hubo aan lagu kalsoonàan Karin. Waxaynu iyana ka fahmi karnaa in cilmigu yahay waxa qofka hogaamiya. Waana tan keentay in la yidhaahdo Jaahil Taladii iyoTusaalihii dheg jalaq hawsiin. Halka qofka aqoonyahanka ah la’yidhi wuxuu malaynayo oo aanu hubin xitaa isku halay oo qaado. hadaba akhristow Tamartaa iyo Taagtaaba ka carar Jahli si aadan u dhaxlin Cawaaqib xumada Jaahilnimo Intaynu ku kulmi doono Xikmadda Maanta iyo Maalin kale waxaanu idin kaga tegaynàa Fii amaani Laah.

Waxaa idiin soo diyaariyey Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply