Xikmada Maanta Qaybtii 3aad

Qormadan Taxanaha ah ee aanu kaga hadalo  sooyaal ka hadalada mahadhooyinka reebay waxay bahda  hawraar ugu talagashay dhismaha iyo koruqaadka maskaxda dadka ku xidhan shabakadan qaybtana waa qaybtii ama xalqadii 3aad lasoco maalin walba

1-    Ma Aqaan Xeerarka Guusha, Waxaanse Aqaan Xeerka Guul Darada, Waa Raali Galinta Qof Kasta

Waxaaynu xikmadan ka fahmaynaa Hadii aad isku daydo inaad qof kasta raali galiso inaad adhaxda ka jabayso,waana tan keenta inuu qofku dano badan oo uu lahaa ku seego intuu isku dayayo inuu qof kasta raali galiyo,waxaaa daliil u ah taas inay jirto Rasuulkeena Suuban (CSW) wuxuu sheegay waxa keliya ee umada aad ku raali galin kartaa ay tahay akhlaaqda wanaagsan ,wixii ka soo hadha waa hal bacaad lagu lisay iyo biyo kama dhibcaan,adiga uun baana iska qoomamayn doonaa hadii aad isku daydo inaad qof walba raali galiso”

2-      Waxaynu Nahay Dad waalan Hadii aynaan Awoodin inaynu Fekerno, Waxaynu nahay kuwa Mayal adag hadii aynaan doonayn inaynu Fekerno,waxaynu nahay Adoomo hadii aynaan Raadin Inaynu Fekerno,

Waxaaynu xikmadan ka fahmaynaa,Binu aadamka waxa ilahay Kaga fadilay Xayawaanka inaynu  Nahay Dad ilaahay u sameeyey kana rabo inay ku fekeraan Caqligaa loo xushoo loo doortay hadaba hadii aad fekeri waydo maxaad dhaantaa Xayawaanka ilahay Caqliga ka qaaday , Dadka inta fekertaa waa dadka aduunka wax ka bedelay waxna ku soo kordhiyey ,waxaa hadaba waajib ah inaynu caqliga u isticmaalno sidii uu ilahay ugu tala galay inaynu u isticmaalno,Aduunkana wax ku soo kordhino aakhirana waxaan la tagi lahayn ugu arimino,

Hadaba inta aynu isku arki doono Xikmad kale iyo Maalin kale

Fii Amaani Laah

Waxaa idiin Soo Diyaariyey  Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply