Xikmada Maanta Qaybtii 1aad

Waaxaanu Maalin walba ku soo qaadan doonaa Xikamado wax ku ool ah oo aynu ka soo ururin doono Dadkii hore ee Dunidan Soomaray iyo kuwa hada nool, Xikmadahaas oo ah Tijaabooyin nololeed oo ay soo mareen Dadkaasi, waxaadna ogaataan Xikmad walba waxay ka soo yeedhay qof ay taabatay ,Waxayna sheegaysaa Dhacdo Nololeed Qofka yidhi oo keliya aan ka Tarjumayn ee Nolosha binu Aadamka oo dhan Qof walba Taaban Doonta… Hadaba Labada Xikmadood ee u Horeeya Maanta waxaan ku soo qaadanaynaa, Faylasoofkii Giriiga ahaa ee. Plato.Carabigana waxaa lagu yidhaahdaa Afalaatoon.
1. Siday sheegeen wastaadada dhisaha guryaha: Suura Gal Maaha in Dhagxaanta Waawayn si wanaagsan wax u dhisaan ama ay u Istaagaan Iyagoo aan Dhagaxaanta yar yar u Jirin…

Waxaa Sidaa Yidhi: Afalaatoon
Xikamadan waxaan ka Fahmaynaa Ujeedkeeda inaan Layaraysan Dadka,Hawl Shaqo iyo Maamul.Tay ahaataba, waxayna sheegaysaa shaqo dadka hoose qabtaan ayaa libinteeda iyo dheefteeda waxaa hela madaxda ama dadka sare sare,Dadkaa hoosena aanay la’aantood suura gal noqoteen…
2. Ninkastaaba Gabyaa Buu Noqdaa Hadii Jacayl Haleelo…
. Xikmadan waxaa ka Fahmaynaa ujeedkeeda hadii qofka jacayl dhab ah soo maro aasaan aanu ka helin Garawsho qofku jeclaaday iyo Bulashadiiba wuxuu ku ciil baxaa Afkiisa,Af lagu ciil baxana waxaa ugu qaalisan kan suugaanta. Tusaale ahaan Dadka Taariikhda soo maray ee Suugaanta Mucda iyo Malabka iyo Miida leh waxxaa laga hayaa Dadkii wax caashaqay, sida . Cilmi Boodharo, Cawralo.CaliMaax Qays iyo Layla,Cantar Binu Shadaad.iyo qaar kaloo badan… Tan intaynu beri iyo Xikmadaha Kale isugu iman Doono, Waa Hawraar Murti iyo Madadaalo   oo idin leh Fii Amaani Laah .
Waxaa idiin Soo Diyaariyey: Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply