Xikmada Maanta qaybtii 6aad

1-Iskuulka casharka marka laguu dhigo ayaa layliskiisa laguu Diraa . Laakiin Noloshu Marka hore layslis ayeey kuu dirtaa kadib ayaad casharka baranaysaa

Xikamdan waxaynu ka baranaynaa laba arimood oo midba meel ka bilaabmo iskana soo horejaada Waxay khusaysaa Nolosha iyo waayaheeda Waxbarsaho.sidaynu wada ognahay marka lagu jiro xiliga Waxbarasho ama Ardaynimo waxaa la soo maraa marxalado Jarib iyo Jeedaalaba leh ,hadaba xikamdan sirta ku duugan baa ah,laba wax barasho ee midna tahay Qalin iyo Buug isa saarka, waxaad ku barato,Midna tahay Gadgadoonka Waayaha kuu ku baro. Hadaba Micnaha guud waxa weeye,Nolosha waxaad ku dhex maraysaa intaad aduunka joogto Mixnado Murgino isku wada meersan kuwaas markaad ka gudubto ayaad baranaysaa casharo hor leh oo aadan noloshaada aqoon , markaa waxaa qofka laga rabaa, dhabar Adayg,D ulqaad Kalsooni iyo ilaahay oo aad Talo saarato waxaa hubaal ah intaa hadii aad la timaado inaad casharo wax ku ool ah baran doonto Mushkiladahaana aad si yar uga gudbi doonto,oo aanay kaa saarten Cid kale iyo Ciidan kale…

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply