Xikmada Maanta qaybtii 9aad

Carabku Laf Maaha .Laakiin Laftuu Jebiyaa.

Xikmadan waxaanu ka faaidaynaa.Carabku inuu kamid yahay xubnaha ugu awooda badan ee binu aadamku leeyahay. Isla markaana aanay ahayn xubno adag sida xubnaha qaar kood ay yihiin kuwo ka’dag carabka .

Hadaba diinta iyo dhaqankuba aad ayeey u tilmaameen faaido iyo khasaaraba wuxuu leeyahay. Bal diinta aan ku horayno. Nebigeenu (CSW) muslinku waxa weeye kan ay muslimiintu kanabad galaan afkiisa iyo gacantiisa …xaga dhaqanka iyo suugaanta Abwaan Cabdi Iidaan waakii lahaa. .Afku wuxuu la’xoog yahay Magliga Xawda kaa Jara. Waxaynu ogaanay carabku inuu yahay iskadaa waxkalee kan lagu gaaloobo oo diintaba lagaga baxo. Isla carabkaa laftiisa ayaa lagu noqdaa islaam. Markaa akhristow hadba intaad carabkaaga ilaaliso ayaa sharaftaadu ilaashantahay. Aduunyadaada iyo aakhiradaaduna cidhibteedu wanaagsanaan doontaa. Intaynu ku kulmi doono maalin kale iyo xikmadda maanta waxaanu idinkaga tegaynaa fii amaani laah..

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply