Xikmadda 19

Ninkii Alif Ibara Adoon Baan u Noqon Xikmaddan waxaan ka’fahmaynaa,Macne wayn oo Mug iyo Miisaan Leh,waxayna tahay Shayga If iyo Aaakhiraba laysku dhaafay waxa weeye Cilmi,

waxaynuna oganahay qofba qofka uu ka cilmi badan yahay Aduunyada iyo Aakhiraba wuu ka horeeyaa Ummadda, uu la’noolyahay ama uu dhex joogo Tusaale ahaan ilaahay (SW) wuxuu yidhi Kuwa wax yaqaana iyo kuwaan wax aqoon miyeey siman yihiin.waa maya, hadaba Cilmigaa Aakhiro iyo Aduunkaba ku anfacaya qofka kuu bilaaba ama xaraf ka mid ah kubara inaad adoon u noqoto,way ku yar tahay ,waayo waxaad Aduunka wax ku qabsan lahayd Ama Aakhiro Cadaabta kaga badbaadi lahayd ayuu ku baray qofkaasi,waxaa iyana jirta kelmad kale oo tidhaahda,Macalinku wuxuu u dhawaaday inuu Rasuul Noqdo, Hadaba Akhristow waxaa inala gudboon inaan ixtiraamno ama ka danbayno qofka wax ina baray Hal Xarafna ha ahaatee,kii ka’badan ku barayna iskaba daa, Xikmadda Maanta iyo Maalin kale intaynu ku kulmi doono waxaan idinkaga tegaynaa Fii Amaani Laah Waxaa idiin soo diyaariyey Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply