Xikmadda Maanta 12

Xikmad Cimrigaagu waa Waxa Qudha ee Markii uu kordhba Yaraada.
xikmada Maanta 12 Cimrigaagu waa Waxa Qudha ee Markii uu kordhba Yaraada. Xikmaddan waxaynu ka fahmaynaa. Waxaynu naqaana waxa layidhaahdo Korodh . waxaa caado ah markii ay wax kuu kordhaan inaynu u naqaan faa’ido iyo Guul aynu gaadhnay. hadii Cilmi kuu kordho waa faa’ido kuu korodhay. Hadii dhaqaale kuu kordho noocu Doona ha ahàadèe iyana waa guul kuu korodhay. Hadi ubadku kuu kordhaan iyana waa Guul. Hadii Camal Cibaado ama mid Aduunyo kuu kordho iyana waa guul. Hadaba tan aynu ka hadlayno ee Cimrigaaga oo Kordhaa way ka duwantahay Guulahaa aynu soo shèegnay. Waxayna xaqiiqadu tahay maalinkasta oo cimrigaaga soo Marta way kordhaysaa. Ha’ba korodhee. Waxaa yaraaday oo gabaabsi soo noqonaya noloshaadi. Waana wax kaa go’an maalintii kuu Korodhaba. Hadaba akhristow hadiiba aynu ogaanay in sidaa waqti inoogu socdo maxaa inala gudboon? Waxaan umalaynayaa hadii ilaahay Ina garansiinayo inay jawaabteedu kooban tahay. Isla markaana ay tahay aduunyada wax umadda kaa danbeysa anfaca uga tag adna sahay aakhiro ku anfacda kala tag. Waxaana jirta Duco uu Rasuulkèenu CSW.uu jeclaa.taasoo ah Duco kooban Macna Wayna xanbaarsan. Waa ducadii ahayd .Ilaahaw Aduunyada wanaageeda Nasii Aakhirona Wanaageeda Nasii Cadaabta Kululna naga ilaali. Hadaba akhristow go’aanka inaga ayuu gacanta inoogu jiraa. Hadba sidaynu u qaadananna abaalkeeda waynu heli.Inta aynu Xikmadda Maanta iyo malin kale ku kulmi doono waxaan idin kaga tegaynàa Fii amaani Laah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply