XIKMADDA MAANTA 13

Saaxiibka Beenta ahi waa sida Hadhka Maalintii ku daba socda Habeenkiin markuu Gaballku Dhacana aad waydo…

 Xikmadan waxaynu ka fahmaynaa. Saaxibtinamdu inay tahay shay aad muhiim ugu Ah Nolosha Binu Aadamka .làakiin Saaxibtinimada lafteeda ayeey qeexaysaa xikmaddani. Waxayna inoo sheegaysaa Saaxibka Afka ah iyo Saaxiibka dhabta ah inaanay ahayn labo shaqo iyo shuqul isku leh.waayoo Saaxibka dhabta ah waa kan iskaa garab taaga Maalintaad u baahantahay qof iskaa garab taaga.waana Maalinta ay kala baxaan Saaxibka dhabta ah iyo Saaxiibka Beenta ah.hadaba Diinta iyo Dhaqankaba meelo badan bay kaga hadleen Saaxibtinimada.waxaana cadayn inoogu filan Asxaabtii Nebigeenu (CSW )waa kuwii Naf iyo Maalba u huray siday inoo soo gaadhsiin lahaayeen Diinta saxda ah ee aynu maanta haysano. Waayo Ragaasi ilaahay Haka Raali Noqdee waxay balantaa ka qaadeen Nebigeena( CSW ) oo ay Asxàab ahàayèen. Hadaba Saaxiibtinimada dhabta ah waa taa iyo tan udhaw.hadaba akhristow Saaxib la’aantu waa dhibaato wayn,isla markaana inaad qof walba Saaxiib ka dhigato ama aad moodo waa dhibaato kale,markaa waxaa kula gudboon inaad kala doorato Asxaabtaada kala baratana kan dhib iyo dheef kula qaybsanaya iyo kan dheefta kula Saaxiib ah dhibtana aydin is aqoon.waxaana idin xasuusinayaa Maanso: Soomaali ah oo ina baraysaa qaabka Saaxiibka Wanaagsani Yahay:: Saaxiibka Suubbani Sadrigiyo Laabtiyo Niyaddaa Salkeediyo Qalbiguu Safeeyaa Suuradaha Quraankiyo Sedkii lagu Ducaystiyo Sareeduu Jeclaystaa Intayanu ku kulmi doono Xiikmadda Maanta iyo Maalin Danbe, Hadii Allaha Awooda Lihi Ogolaado waxaan idiin kaga Tegaynaa, Fii Amaani Laah Waxaa idiin soo Diyaariyey Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply