XIKMADDA MAANTA: 14

Qofka Caqliga Badani Maaha kan kayaqaan Dhibta Dheefta. Waase kan yaqaan sida loo kala Doorto laba Dhib kan dheefta leh:

Xikamadan waxaynu ka fahmaynaa.ujeedo fog isla markaana Fac iyo Fil wayn leh , waxay ka soo baxday Maskax la tuujiyey oo inta Toobin loo qaatay ayaa la’saray meel walba oo lagu tuhmayey inay goojo caqli ahi ku jirto,hadaba Macnaha iyo Mugga ay ku fadhido Murtidan ayaa ah.inaan lagu tilaami Karin qofka Khayrka ka garan kara Sharka, balse uu yahay qofka Caqliga badani kan garan kara laba Shar ama dhib kan khayrka badan ,waxaa dhici kara Akhirstow in Maskaxdaadu ka soo boodo isla markaba Laba dhib ayaa kala khayr badan, in yar aan kuu bud dhigee Maskaxdaada iyo Maankaaga iyara Amaahi. Sayid Maxamed Cabdale Xasan ayaa lasheegay inuu yidhi waxaan Nin u aqaan Ninka laba Daran kala Doorta.dabadeed Daraawiishtii baa ku tidhi sayid labada Daran ee aanu kala Dooranaynaa maxay tahay,wuxuu ugu jawaabay waxa weeye Hadii aad iska hor timaadaan Ciidan kaa Badan, Laba Wado ayaa kuu Furan waar aan Cararno oo sidaa ku jabno .iyo Waar Mintid Fara yar Midhihii bataa kama Macaashaan,ee aynu Ruuga u aasno oo Dagaalano.labadaasiba waa laba Daran, Inaad Cararto iyo Inaad Ismiidaamiso.Markaa wuxuu ku yidhi Labadaa weeye labada Darani Ninka ka taliyana anigu Ninkaas baan Nin u aqaaan,waxaan u malaynayaa Akhirste inaad Fahantay Ujeeddada Xikmaddan, hadaba waxaa waajib inagu ah inaynu naqaano xataa dhibaatooyinka sida lookala Doorto.oo tan kuu Khasaare iyo Kharashba kuu yara aan awood u yeelano inaan kala dooran karno, intaynu isugu iman doono Xikmadda Maanta iyo Maalin kale waxaan idin kaga tegaynaa Fii Amaani Laah Waxaa idiin soo diyaariyey Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply