XIKMADDA MAANTA 18

Qofkii iibsada waxaanu u baahnayn Wuxuu iibiyaa wuxuu u baahan yahay Xikmaddan waxay tahay hadii uu qofku iibsado waxaanu u baahnayn inuu iibinayo waxuu u baahan yahay ,

hadaba akhristow maxay tahay ujeedada fog ee xikmadin leedahay oo aynu ka fahmaynaa.waxa weeye waxaa uu ku sifoobay qofkaasi mid aanay u kala soocnayn ama aan kala garanayn waxa uu u baahan yahay iyo waxaanu u baahnayn,hadaba akhristow waxaa jirta in diinta islaamku ay magac u taqaan magaacaas oo ah (Hanti burburiye ).waxaana shareecadu islaamku amartay in laga qaado Hantida uu leeyahay isla markaana loo dhigo bank lagana siiyo wuxuu ku noolaan lahaa ama Masaariiftiisa. Waxaa dhacda qofkaasi inaanu ku noqon hantida keliya ee noloshiisuba uu ku dhamaysto maalaayacni.hadaba akhirstow waxaa kula gudboon inaad garan karto ama aad kala taqaanid waxaad u baahantahay iyo waxaadan u baahnayn ,si aanay kuugu dhicin inaad wax noloshaada muhiim u ah inaad iibiso, Xikmadda Maanta iyo Maalin kale inta aynu ku kulmi doono waxaan idinkaga tegaynaa Fii Amaani Laah Waxaa idiin soo diyaariyey Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply