Xikmadda Maanta

1-    Iskuulka Casharka Marka laguu dhigo ayaa layliskiisa laguu Diraa,  Laakiin Noloshu Marka hore layslis ayeey kuu dirtaa kadib ayaad Casharka baranaysaa..

Xikamaddaa waxaynu ka fahmaynaa inay kala duwan yihiin waxa nolosha iyo waayuhu ku Baraan iyo waxa aad adigu Caadi u barato.inay kala duwan yihiin waana kaaf iyo kala dheeri,waxaana kuu cadaynaysaa siduu ay u kala duwan yihiin Bar-bilowga ay ka kala bilaabeen, markaa ka Dad ahaan waa in aynu maalin kasta waxa aynu ka barano  Nolosha iyo waayaheeda Xumaan iyo Wanaag ay inoo noqdaa Cashar,

2-    Waxaad ka Baranaysaa waxbadan casharada Nolosha, Markaad eegto Nimanka Dabdamisku in aanay Dab ku bakhtiinayn Dab

Xikamadan Lafteeda oo nolosha khusaysaa waxaynu ka fahmaynaa inaan khalad khalad lagu sixin ,Talaabo kasta oo aad qaadayso noloshaada ay noqoto mid aad ku Dawaynayso Dawadeedi saxda ahayd.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply