Xikmadda Maanta

1-    Markay Tuugtu Murantaa Tuugada La’helaa 

Xikmaddan waxaynu  ka fahmaynaa in aanay  sinaba u fiicnayn Muranka iyo Asaraarku ayna tahay arin aanay  aad u jeclayn Dadka intooda Maskaxda iyo Aqoonta Leh bal u Fiirso oo eeg Dadka ugu Muranka iyo Qarjajacda badani waxa weeye Dadka Garashada Gaaban Aqoontana Ka Aradan. Muranka aan Micnaha ku fadhiyin Dadkeeni hore waxay u Arki jireen Ceeb,waxaana ku kalifaysay in aanay Jeclayn Qofka Muranka badan waxay ahaayeen Dad shaqaysta oo Waqtiga iyo Hawshaba ka Faa’ideeya.hadaba Murankeena oo Bataa wuxuu dhalayaa Shaqadeena iyo Hawsheena oo yaraata..

Intaynu isaga iman doono Xikmadda Maanta Iyo Maalin Danbe waxaan idiin kaga tegaynaa

Fii Amaani Laah

Waxaa idiin Soo Diyaariyey  Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply