Xikmadda Maanta Qaybtii 4aad

1-      Jaar  Wanaagu Maaha Inaad Dhibaatadaada ka Daysato ,Laakiin Waxaa weeyee Inaad dhibaatadiisa Xamisho,

Waxaaynu xikmadan ka fahmaynaa, Jaarka oo la dhibo inay tahay Dhibaato wayn  diintuna ay in badan ka hadashay caawaaqibada Jaar xumadu, hadaba sheekhan  wuxuu u dhigay si farshaxanimo ah wuxuu na yidhi maaha dhibta ka daa ee waa dhibtiisa u dul yeelo ,waxaa marag ma doonta ah hadii qofku qof u dul qaato aanay ka dhicin wax khalad ah dulqaataha ,markaa deriska hadii aad u dul qaadato waxaa dhacaysa inaadan dhib adigu ula tagin,

2-    Sacabka oo aynu tunaa waa wadada keliya ee aynu qof hadlaya hadalka kaga jari karno isaga oo aan inoo cadhoon.

Waxaaynu xikmadan ka fahmaynaa .in aanay fiicnayn markuu qofku hadlayo in sacabka loo tumo waxa ugu yar ee ay yeeshaanaa waxa weeye waxaa ka kala luma hadalka.isla markaana waxaa dhici karta meeshuu marayey inuu ilaawo deetana uuba sheekadii dib kuugu soo celiyo,waa  laga qurux badan yahay sacabkaa waana mashquulin  cad iyo soo gaabi  hadalka oo dadban..

Fii Amaani Laah

Waxaa idiin Soo Diyaariyey  Ugaas Maxamed Majabbir

 

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com