Xilgudasho La’aan Xilka Looga Qaadey Xasan Dhuxul Laabsaalax

Koox faneedka xidigaha geeska ayaa soo saartay caawa fiidkii bayaan ay ku shaacinayaan inay xilkii gudoomiye nimo kaga qaadeen gudoomiyihii kooxda xidigaha geeska xasan saleban dhuxul (laabsaalax) war saxaafadeedkan ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan

War saxaafadeed
Maanta oo ay bishu tahay 03 12 2017 shir ay isagu yimaadeen gudida fulinta ee kooxda Xiddigaha Geeska iyo xubnaha kooxdu waxay xilkii gudoomiyinimo ee kooxda cod gacan taag ah kaga qaadeen Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Xasan Saleebaan Maxamed ( laab saalax) ka dib markii uu gudan waayay waajibaadkii shaqo ee kooxdu u igmatay sida uu dhigayo sharciga kooxdu.
Islmarkaa waxay kooxdu cod gacan taag ah ku sime gudoomiye ugu doorteen xoghayaha kooxda Maxamed Axmed Bakaal Cirro)
ALLAA Mahad Leh
Gudida fulinta kooxda xidigaha geeska

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com