Waa arrin aad u la yaab badan in aad aragtid Bisad “Curi” iibinaya hilib kuna iibinaga suuq dhexdii walibana xidhan dirays gaar ah iyo koofiyad uu leeyahay .

Arrintaasi waxa ay ka jirtaa Dalka Vitnam waxaana Sawirka bisadkaasi aad loogu qaadaa dhigay baraha bulshada waxa aanu ku caan baxay iibinta Hilibka iyo Kalluunka iyo Khudaarta .

Bisadkan ayaa waxa uu xidhaa koofiyad iyo shaadh iyo suwrwaal iyo muraayad waxa aanu dhex wareega suuqa waana arrinta ay dad badani ka yaabeen waxa aanay dadkaasi sheegeen in uu hawshiisa u qabsanayo dadkoo kale waxa aanay dadkii sida tooska ah u arkay ay jeclaysteen inay la galaan Sawiro.

Ninka bisadkaasi Rabaystay ayaa waxa uu sheegay in uu aad u caawiyo oo uu garab taaganyahay,waxa kale oo uu sheegay in marka uu bisadkaasi u galiyo dharkiisa gaarka ah uu dareemo raaxo dheeriya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA