Yaab: Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la Sheegay in uu Irbad Dahab ah isku Mudo si uu uga badbaado Cudurka Cansser-ka !

Hawraar (Pyongyang) Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Dadka ku xeeran ee aadka ugu dhaw ayaa la sheegay in isticmaalaan isla markaana isku mudaab Irbad Caafimaad oo laga sameeyay Dahab.

 

Irbadan ayaa la sheegay in uu soo saaray Caalim u dhashay Dalkaasi oo xaqiijiyay in Irbadaasi Dahabka ka samaysan ay ka hor tag u tahay Cudurka Cansser-ka iyo sidoo kale Gabawga .

Warbixin arrintaasi aadka u la yaabka badan oo lagu soo bandhigay Wargeyska The Sun ayaa waxa kale oo lagu cadeeyay in Irbadaasi ay awood u leeyihiin in ay helisteeda kaliya Hogaamiyaha Dalkaasi Kim Jong Oun iyo dad kooban oo ka ag dhaw.

Culimada Dalkaasi u dhashay ayaa waxa ay sheegeen in Irbadani ay dhaanto Dawooyinka ay soo saaraan Dalalka reer Galbeedku isla markaana ay tahay mid lagu kalsoonaan karo.

Hogaamiyaha Dalkaasi ayaa had iyo jeer laga soo wariya arrimo aad u la yaab badan kuwaasi oo ay saxaafada Aduunku aad u qaadaa dhigto.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/.Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com