Waa arrin dhif iyo Naadir ah oo ka dhacda Dunida in walaalo wada dhashay amase ilma iyo waalidkii ay kala lumaan isna garan waayaan,kuwa nasiibka isku leh in ay isku arkaan ayaa ugu dambaynta kulma.

Laba nin oo muddo 60 sano saaxiib ahaa isla markaana saaxibtinimadoodu soo bilaabmatay markii ay wada bilaabeen waxbarashadii fasalka lixaad ayaa waxa ay muddo 60 sano kadib ah ogaadeen in ay yihiin walaalo wada dhashay .

Labadan nin oo magacyadooda la kala yidhaahdo Alan Robenson iyo Waler Macafarlen, labadani nin ayaa mid kastaaba waxa uu u soo koray gaarkiisa mid kastaana waxa uu aaminay in walaalkii uu dhintay,balse kadib markii qoyskoodii oo dhami dabar go’ay ayaa waxa uu mid kastaaba bilaabay in uu raadiyo cid ay isku tafiir yihin ku darsoo waana saaxiib ismana oga in ay walaalo ,ugu damabyntii baadhitaano la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in labadani nin ee 60 ka sano saaxiibka ahaa ay yihiin walaalo isku hooyo iyo aabo ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA