Dhakhtar u dhashay Dalka Brazil kuna takhasusay qaybta dhalmada ayaa waxa uu haweenka fooshu hayso ee uu ka umulinayo u adeegsadaa arrin cajiib ah kaasi oo ugu tala galay in xanuunka foosha ay ku iloobaan.

Dhakhtarkan ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Fernando Gatez De Cona ayaa waxa uu la jaasa haweenka Foosha u hayso si ay u iloobaan xanuunka aadka u daran ee ay fooshu ku keentay sida lagu baahiyay wakaalada wararka ee CNN.

Dr Fernando ayaa waxa uu ula jaasaa dumarkaasi fooshu ay hayso jaas cusub oo u fududaynaya in ay umulaan waxaanu muuqaalo uu ku baahiyaa Instegram isaga oo haweenkaasi foosha ah uu la jaasayo.

Sidoo kale dhakhtarka uu ka hawl galo Dr Frenando oo magiciisa la yidhaahdaa Unimade Vitoria ayaa waxa ay sidoo kale maamulka dhakhtarkaasi ku baahiyeen muuqaalo uu Dr Fernanado kula jaasayo Haweenkaasi Fooshu hayso waxaanay ku ladheen Muuqaaladaasi qoraal u dhignaa sidan “Dr Fernando Gatez waxa uu la jaasayaa haweenka fooshu hayso waxa aanu barayaa jaas u fududaynaya fooshaasi”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA