Yaab:Tuulo ku taala Dalka Portugal oo Waalidku ay Ubadkooda yaryar Baraan Cabista Sigaarka !

Waxa xaqiiq ah in la dagaalanka Cabista Sigaarka ay Dalal badan  bilaabeen isla markaana guud ahaan Dadka Dunida ku nool lagu wacyi galiyo in Cabista sigaarku ay halis ku tahay Caafimaadka qofka .

 

 

Balse waxa arrin aad u la yaab badan noqotay in ay ku noolyiniin Caalmka gaar ahaan Dalka Portugal Waalid Ubadkooda yaryar ku dhiiri galiya isla markaasina bara qaabka ay sigaarka u cabi lahaayeen,sidoo kalana Dalka ay tuuladaasi ku taalo ayaa Baarlamanaakiisu waxa ay ansixiyeen Joojinta Cabista sigaarka .

 

 

 

Tuuladani ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Vale de Salgueiro waxaana ku nool tuuladaasi 459 qof ,waxa aanay ku taala Waqooyiga Dalka Portugal waxa aanay u dhawdahay Xuduuda uu dalkaasi la leeyahay Dalka Spain .
Dadka tuuladaasi ku dhaqan ayaa waxa ay sheegeen in arrintani ay u tahay Dhaqan iyo Caadooyin ay ka dhaxleen waalidoontooda isla markaana ay ku tarbiyadeeyaan ubadkooda wiilal iyo gabdhaba cabista Sigaarka .

 

Si kastaba ha ahaatee arrinta noocani oo kale ah arrin aad u la yaab ah balse waxa la sheegay in maadama oo ay arrintaasi dhaqan ka tahay isla markaana Dalkaasina laga joojiyay Cabista Sigaarka aanay Baarlamaanka Dalkaasi wali wax jawaab ah ka bixinin arrinta Tuuladaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com