Hawraar (New Delhi) Xidhiidh aad u la yaab badan ayaa waxa uu ka dhexeeyaa wiil laba jir ah iyo koox Daanyeero ah.

Sida lagu baahiyay Wakaalada Wararka ee A.F.P wiilkan yar waxa magiciisa la yidhaahdo Smart Bangasi ayaa waxa uu xidhiidh aan hore loo arag la leeyahay Kooxdaasi Daanyeerada ah.

Wiilkan yar adeerkii ayaa waxa uu sheegay in dadka deegaanku ay ka cabsi qabeen in kooxdaasi daanyeerka ahi ay wiillkabi dhibaateeyaan ,balse waxa la sheegay in ay gurigooda ugu yimaadaan sidoo kalana ay ka soo kicitimaan masaafo guriga wiilka u jirta 400 Km.

Kooxda Daanyeerada ah ee ku xidhiidhku ka dhexeeyo Wiilka Smart ayaa waxa ay yimaadaan Guriga Wiilkaasi deganyahay arrinta aadka u la yaabka badan agaa waxa ay tahay in haddi uu wiilkaasi hurdo ay hurdada ka kicinayaan isla markaana ay la ciyaarayaan muddo laba saacadood ah.

Arrintani aadka u la yaabka badan ayaa waxa ay soo jiidatay Dadka ay wiilkaasi isku deegaanka yihin waana sababta keentay in wakaalasa Wararka ee A.F.P ay ka faalooto arrintani .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA