Yareenta Adeegisga Daawooyinka Antibaayootikaga

Wasaaradda caafimaadka UK, ayaa sheegtay in dhammaan noocyada antibiyootikada ee dadka loo qoray ay hoos uga dhacday in ka badan 2.6 milyan sanadkii hore.

Waxay ku sheegeen inaysan caadi aheyn natiijada, ayna muujineyso sida dhakhaatiirta uga taxadareen inay iska qoraan. Tani ayaa qeyb ka ah dadaal balaadhan oo lagu joojinayo caabuqyada waxyeelada leh ee adkeysiga u yeelanaya antibiyootikada.

Wadanka UK, ayaa anitbiyootikadii ugu badneyd 80% laga qoray meelo ka baxsan isbitaalada, iyadoo kala bar loo qaatay daaweynta xanuunada feeraha.

 

 

Antibiyootikada, ayaa wax ka qabata caabuqa bakteeriyada oo kaliya, mana jirto sabab loogu qaato xanuunada  Viruska keeno sida hargabka.

Dowladda UK, ayaa dhiirogelin lacageed siisay dhakhaatiirta yareeya qorista antibiyootikada.

In dhiirogelin lacageed lagu bixiyo yareenta adeegsiga antibiyootikada ayey qubaradu ku tilmaameen wax aan laga caban, sababtoo ah dhibaatada ay leedahay, ayaa ka daran tan kansarka.

 

Waxaa jiray walaac kordhayay oo ku saabsan adeegsiga antibiyootikada sida lagu sheegay warbixintii toddobaadkii tagay ee Lord Jim O’Neill.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in wacyigelin guud loo baahan yahay maadaama aysan inta badan dadku ogeyn qataraha.

Waxaa la rajeynayaa in tallaabooyinkaasi ay ka joojin doonaan dad badan inay noqdaan sida gabar lagu magacaabo Emily Morris oo deggan Milton Keynes wadankan UK.

Waxaa ku dhacay caabuqa kaadi haysta oo qaar ka mid ah antibiyootikada waxba ka tareynin, waxayna sheegtay in xanuun kasta oo ay dareento uu wadnaha xanuuno, maxaa yeelay waxaa ku soo dhaca inay heleyso antibiyootikada wax ka qaban karto xanuunkeeda.

Sanadkasta dad badan ayaa noloshoodu ku waaya caabuqyada adkeysiga u yeesha antibiyootikada.

“Waqti ay wasaaradda caafimaadka UK ku hormartay meelo badan oo bukaanka lagu caawiyo, seyniska iyo farsamada ayey tahay in ay ka hortagaan in caafimaadku ku laabto meel aysan antibiyootikada waxba ka qaban karin caabuqyada,” ayuu yiri Dr. Mike oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka UK.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments