Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

BARAF MADAW OO KU DA’AY MAGAALADA TAMIRTAU EE DALKA KAZAKHISTN!

Midabka barafka ee aynu naqaano ayaa waxa uu yahay midabka cad wali maynaan arag baraf madaw oo ku da’a magaalo la daganyahay.

 

Dadka ku nool Magaalada Tamirtau ee Dalka Kazakhistan ayaa waxa ay ku waabariisteen baraf Madaw oo ku da’ay magaaladaasi .

Dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa ay masuuliyiinta magaaladaasi ka codsadeen in ay cadeeyaan sababta keentay arrintaasi .

Magaalada Tamirtau ayaa waxa lagu yaqaana isla markaana ay caan ku tahay hawadeeda wasakhaysan ,wasakhda hawada magaaladaasi ee xad dhaafka ah ayaa waxa u sabab ah in magaaladaasi ay ku yaalan warshado badan oo saara birta noocaydeeda kala duwan waana magaalada ugy warshadaha badan ee dalkaasi .

Ma aha markii u horaysay ee barafka noocan oo kale ahi ka da’o magaaladaasi ,madaxda shirakadaha soo saara biraha ayaa diiday eedaymo arrintaasi la xidhiidha oo ay shacabka magaalada Tamirtau marar dhawe ah u soo jeediyeen.

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat