Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

BRITAIN:DUULIYE DIYARADEED OO LAGA JOOJIYAY DIYAARAD RAKAAB OO UU DUULIYE KA AHAA KADIB MARKII LA OGAADAY IN UU KHAMRI CABSANYAHAY!

Billayska Dalka Britain ayaa waxa ay joojiyeen Diyaarad rakaab ah muddo Ilbidhiqsiyo ah ka hor xiligii ay kici lahayd .

Joojinta diyaaradaasi ayaa waxa ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah shaqaalaha Diyaaradaasi ay la soo xidhiidheen Madaarkii ay ka kacday isla markaana ay ku war galiyeen in Kabtanka diyaaradu uu sirkhaansanyahay.

Kooxda ka mid ahayd shaqaalaha diyaarada ayaa waxa ay soo waceen qaybta Emergency-ga ee ciidamada Billayska ee tellka 999 kadiv markii ay qolka u gaarka ah Kabtanka ay ka uriyeen khamri kaasi oo ay sheegeen in uu kabtanku cabayay.

Intaa kadib ciidamada Billayska ee gegeda diyaaradaha ee Gatwick ayaa waxa ay diyaarada ka soo dajiyeen duuliyahaasi la sheegay in uu sikhraansanyahay waxaana iska markiiba lagu badalay duuliye kale .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat