Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Dhakhtar Xoolaha ah oo Qalniin Qurxinta Wajiga ah u samayn jiray Geela Boqorada iyo Maalqabeenada Sucuudiga oo khiyaamo lagu soo eedeyay isla markaana la xidhay!

Hawraar (Riyad) Guud ahaan Dalalka Khaliijka ayaa waxa aad looga dhaqdaa geela,isla markaaba madaxda iyo maalqabeenada dalalkaasi ayaa waxa geelooda loo qabtaa tartano kala duwan .

Dalka Sucuudiga ayaa waxa uu ku caan baxay Tartanka loo qabto Geela ,Mulkiilayaasha Geelaasi Tartama ayaa badankoodu ka jeeda qoyska boqoryooyada Dalkaasi iyo sidoo kale Maalqabeenada Dalkaasi.

Haddaba waxa aynu maqli jirnay qof bani aadam ah lagu sameeyo qalniin lagu qurxinayo wajigiisa ,nin dhakhtar xoolaha ah oo Ajnabi ah oo aan Dalkaasi u dhalan ayaa waxa uu in muddo ah ku shaqaysanayay qalniino uu ku sameeyay geel kala duwan kuwaasi oo uu ku qurxinayo wajiyadooda.

Ciidamada Amaanka ee Dalkaasi ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen ninkaasi oo aan lahayn waraaqo sharci ah oo uu ku shaqaysto isla markaana waxa ay ku qabteen isaga oo haysta lacag dhan 30,000 oo Dollar iyo Dawooyin uu adeegsan jiray hawshaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat