Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Digaaga Laga Soo Saaro Dalka Hindiya Oo Walaac Laga Muujiyay,Khubarada Caafimaadka Oo Sheegay In Korinta Iyo Naaxinta Digaagaasi Loo Isticmaalo Dawooyin Halis Ah !

Warbixin lagu baahiyay Wargeyska The Gardian ayaa waxa lagu sheegay in Beero lagu dhaqo digaag oo ku yaala Dalka Hindiya loo adeegasado korinta digaagaasi dawooyinka Antibiotics-ka ah .

Digaaga ka soo baxa Dalka Hindiya

Dawooyinkaasi ayaa waxa loo adeegsadaa in lagu naaxiyo Digaaga isla markaana waxa sanad walba Dalkaasi Hindiya la geeyaa Boqolaal Tan oo ah Dawooyinka Antibiotica-ga ah ,waxa aanay dadbeeraha digaag ah lihi siiyaan dawooyinkaasi digaaga ay dhaqaan isla markaana ay suuqyada Caalamka u iib geeyaan waxa kale oo ay dawooyinkaasi u adeegsadaan in digaagaasi u naaxiyaan sida ugu dhakhsaha badan .

Digaagaasi ayaa waxa la sheegay in haddi uu sidaasi ku sii socdo isla markaana Dawooyinkaa lagu korinayo la sii wado ay dhibaato caafimaad ku keeni karto daka cuna.

Dalka Hindiya ayaa waxa uu ka mid yahay haatan Dalalka Aduunka ugu badan ee Suuqyada Caalamka u iib geeya cuntooyinka ay soo saaraan,khubarada Caalamka ayaa waxa walaac fara badan ka muujiyeen Dawooyinkaasi loo adeegsanayo digaaga uu dalkaasi uu iib geeyo waddamada Aduunka waxa aanay rajaynayaan in isticmaalka dawooyinkaasu la xakameeyo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat