Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Dubai:Fanaanada Elisa oo Dhaleecayn laxaad leh kala kulantay Haweenay ay diiday in ay Sawir la gasho ,xili ay ka heesaysay Xaflad loogu dabaal degayay Sanadka Cusub ee 2018ka

Hawraar (Dubai) Fanaanada Caanka ah Elisa ayaa waxa ay kala kulantay taageerayaasheeda cambaarayn laxaad leh kadib markii ay diiday in ay haweenay ka soo qayb gashay xaflad loogu dabaal degayay sanadka cusub oo ay ka heesaysay sawir la gasho.

 

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayay Fanaanada Elisa oo diidan in ay haweenaydaasi isla sawirto ayaa waxa ay taageerayaasheedu ku sheegeen in arrintaasi ay tahay isla wayni iyo kibir.

Xafladan oo ka dhacaysay Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka ayaa waxa ay Fanaanada Elisa kala kulantay dhaleecayn laxaad leh ,kadib markii ay diiday in ay salaanta ka qaado isla markaana sawir la gasho haweenay ka mid ahayd ka qayb galayaasha xafladaasi oo ku sugaysay wadada ay masraxa u sii maraysay Elisa.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat