Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

GUDIDA TARTANKA THE VOICE KIDS OO LAGU EEDEEYAY IN AY SI CUNSURIYADAYSAN U REEBEEN CARUURTA U DHALATAY DALKA SUURIYA!

Saddexda Fanaan ee ka caanka ah dhulka carabta ee Kaadim Al-saahie iyo fanaanada Nancy Cajram iyo sidoo kale fanaan Taamir Xusni ayaa waxa lagu eedeeyay in Cunsiriyad kula kaceen caruur u dhalatay Dalka Suuriya oo ka qay galay tartanka ay garsoorka ka yihiin saddexdaasi fanaan ee The Voice Kids.

Caruurta u dhalatay Suuriya ee tartanka laga reebay

Tartankani ayaa waxa ka soo qayb galay 13 caruura oo u dhashay dalka Suuriya kuwaasi oo soo bandhigay bandhigyo aad u cajiib ah isla markaana ay dadka dalkaasi Suuriya u dhashay ay rajaynayeen in ay tartankaasi ka gali doonaa. Kaalmaha ugu horeeya.

Balse gudida Tartankaasi oo saddexdaasi fanaan ee aan soo sheegnay ayaa waxa ay caruurtaasi u dhalatay Suuriya u arkeen in aanay soo bandhigin wax lagu qanco waxa aanay ku reebeen wareega koowaad ee tartankaasi.

Waxaana ka mid ah dadka gudida The Voice Kods dhaleeceeyay fanaaniin u dhashay Dalkaasi waxaana ka mid ah fanaaniintaasi Fanaanka Ayman rida waxa aanay dhamaan dadkaasi ku doodayaan in gudidaasi ay Caruurta u dhalatay Suuriya si Cunsuriyadi ku jirto ay tartankaasi uga rebeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat