Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

HOOYO GABADH YAR OO AY DHASHAY OO 5 JIR AH KU AMARTAY IN KIRADA GURIGA BIXISO QAYBTEEDA!

Hooyo u dhalatay dalka Georgia magaceedana la yidhaahdo Essence Ivan ayaa waxa ay baahisay in gabadh yar oo ay dhashay da’deeduna tahay 5 jir ay ku amartay in ay iska bixiso kirada guriga ay dagantahay .

Gabadha yar ee 5 jirka ah.

Hooyadan ayaa waxa ay arrintaasi ku sheegtay qoraal ay ku baahisay baraha bulshada qoraalkaasi oo ay dadka ku dhaqan Dalka Georgia ay aad u dhaleeceeyeen .

Qoralka hooyadani ay baahisay ayaa waxa uu u dhignaa sidan ” Gabadhayda yari waxa ay wiig walba heshaa 7 Dollar oo masaariif ah ,laakiin waxa aan u sheegay in dadka dunida ku nool dhamaantood ay iska bixiyaan kirooyinka guryaha ay daganyihiin,sidaasi awgeed waxa aan ka jara 5 dollar oo ka mid ah masruufkeeda si ay u noqoto lacagtii ay iskaga bixin lahayd kirada”.

Hooyadan ayaa waxa ay sheegtay in ay gabadheeda yar ku tababarayso sidii ay mustaqbalka soo socda ay iskaga bixin lahayd bilasha ku waajibka ah sida kirada iyo laydhka oo kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat