Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

JAPAN:LACAGTII UGU BADNAYD ABID EE LAGA DHACO INTERNET-KA GAAR AHAAN SHIRKADDAHA KU TACAAMULA LACAGAHA DIGIT-KA AH !

Mid ka mid ah shirkadah suuq gaynta ugu waaywayn Dalka Japan ayaa waxa ay la kulantay dhici ugu badnaa ee lagula kacp shirkadaha suuqgayntooda dhinaca Internet-ka ,shirkaddan oo magaceeda la yidhaahdo Coincheck ayaa waxa lagu soo qaaday weerar lagaga dhacay lacag dhan 530 Millyan oo Dollar .

Tacaamulka Lacagta Digit-ka ah

 

Dhaca lagula kacay shirkadaasi ayaa waxa la sheegay in uu yahay dhicii ugu badnaa ee lagu kaco shirkadaha noocaasi oo kale ah ,sanadkan bilawga ah ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in uu yahay sanadkii ugu badnaa ee maaqlqabeenada ku hantidoodu ku xidhantahay Tiknaloojiyada ay aad u khasaareen isla markaana bilaga sanadkani ayaa ah mid shirkado badan uu khasaare aad u badanj soo waajahay walaw uu sanadku haatan bilaw yahay.

 

Khasaaraha ay shirkaddahaasi khasaareen sanadkani gudihiisa ayaa waxa lagu tilmaamay in ay tahay 97% ,dhinaca kale faa’iidada ay faa’iideen shirkadahaasi ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay 25%,waxaana ka mid ah lacagahaasi aadka u khasaaray amase hoos u dhacay lacagta Benticon-ta la yidhaahado taasi oo aan ahayn lacag kaasha ah o la taabanb karo balse ah lacag Digit ah.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat