Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Ma Dhici Karta In Dadka Qaar Ay Dhimashadooda Ka Hor Baraha Bulshada Ku Macasalaameeyaan Caalamka?,Jawaabta Su’aashaasi Waxa Inoo Sheegaysay Qisadan!

Dadka ku nool Dalka Britain ayaa waxa ay aad ula yaabeen haweenay u dhalatay Dalkaasi oo Sawiradeeda ku baahisay Facebook isla markaana sawiradaasi raacisay qoraal ay nabadgalyaynayso Caalamka.

Mole

Haweenaydaasi ayaa maalmo kadib markii ay sawiradaasi iyo qorlaakaasi ku baahisay baraha bulshada geeriyootay ,haweenaydan ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Mole Horthin waxa aanay da’deedu ahayd 22 jir waxa aanay dhashay laba caruura.

Wakaaladaha wararka Dalka Britain ayaa waxa ay baahiyeen warbixin ku saabsan haweenaydaasi waxa aanay warbixintaasi cadaysay in haweenaydaasi aanay wax dhibaato ahi soo gaadhin haba yaraatee balase ay dhimashadeeda maalmo ka hor dareentay in ay Aduunyada ka tagayso ,haweenaydan ayaa sidoo kale caafimaad qabtay.

Qoraalla Haweenaydaasi ay Facebook ku baahisay ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Macasalaama Aduunyahaw Anuu waan soconayaa”, arrintani ayaa waxa ay yaab iyo amakaag ku noqotay guud ahaan Dadka ku nool Dalkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargieasa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat