ida ay aalaaba waalidiinta hablaha dhashay ka warqabaan, xilliga koritaanka waxa ay habluhu maraan marxalad ay aabahood aad u jeclaadaan, kana hinaasaan xidhiidhka ay hooyadood la leedahay aabaha, haddii ay ka dareemaan in hooyadu ay aabaha aad ugu dhowdahay ama aabuhu ka agdhowaado mar kasta. Xaaladdan oo afka cilminafsiga lagu yidhaahdo, Cuqdadda Electra (Electra Complex) waxaa markii ugu horreysay ereybixinteeda sameeyey caalimkii cilminafsiga ee Sigmund Freud oo sheegay in inanta yari ay hooyadeed kula jirto tartan adag oo xidhiidhka iy oku dhowaanshiyaha aabaha ah.

Cuqdaddani waxa ay macne ahaan la mid tahay, ficil ahaanan ku liddi tahay cuqdadda kale ee ‘Oedipus Complex’ oo uu isla caalimkan Sigmund Freud falkiyey. Kana hadlaysa jacaylka uu wiilka yari u qaado hooyadii, iskuna dayo in uu aabaha ka difaaco.

Inantu bilowga hore ee koritaankeeda waxa ay jeceshay hooyada, laakiin marka ay inyar jirto waxa ay gaadhaa marxalad ay jacayl xad dhaaf ah u qaaddo aabaha, aadna uga cadhooto hooyadeed, iyada oo u arkaysa in hooyadu ay kula jirto loollan dhinaca xidhiidhka aabaha ah, ama dareemaysa in wax badan oo ay iyadu aabaha ka heli lahayd ay ku waayeyso xidhiidhka aabaha iyo hooyada awgii.

Cuqdadda Electra waa xaalad nafsiyadeed oo maskaxda inanta yari si aan ku talagal ahayn ugu dhegeyso jacayl ay u qabto aabaheed, kana hinaasayso hooyada, oo ay xitaa mararka qaarkood nacdo maadaama oo ay ka shakisan tahay in jacaylka aabaha ay ku cidhiidhido. Waxa ay ku dadaashaa in ay mar kasta ku dhowaato aabaheed, haddii ay si uun u aragto hooyada oo aabaha ku dhow ama si dabacsan ay u wadahadlayaan ama uu waxtarayana waxa ay markaba qaaddaa hinaase kulul, waxa aanay aamintaa in hooyaduba ay tahay caqabad ka hortaagan aabaheed. Sidaa awgeed waxa ay ku dadaashaa in ay hooyada ka fogeysa aabaha.

Sida la fahmi karo inanta yari kuma guulaysan karto in ay kala fogeyso hooyada iyo aabaha, laakiin arrinta xiisaha gaarka ah leh ayaa ah, in marka ay aragto in aanay kala fogeyn karayn aabaha iyo hooyada, ay bilowdo in ay isu ekeysiiso hooyadeed, kuna dadaasho in ay raacdo caadooyinka hooyadeed iyo guud ahaanba habdhaqankeeda, iyada oo aaminsan in sababta aabuhu uu hooyadeed ugu dhowyahay ay tahay habdhaqankaas iyo caaddooyinkaas, haddii ay iyadu yeelatana uu ka soo jeesan doono.

Inkasta oo Sigmond Freud loo aqoonsaday in uu bixiyey ereybixinta ‘Cuqdadda Electra’ haddana waxaa jiray caalim lagu magacaabi jiray Carl Jung oo uga horreeyey fahamka iyo helitaanka cilmigan. Carl Jung oo ku xeeldheeraa caafimaadka dhimirka ayaa sannadkii 1913 kii, waxa uu soo bandhigay xaaladdan ah cuqdadda ay inanta yari ka qaadayso xidhiidhka ay hooyadeed la leedahay aabaheed, iyada oo moodaysa in ay taasi wax u dhimayso jacaylkii uu aabuhu u hayey iyo ku dhowaanshiyihii uu qalbigiisu xaggeeda ku dhowaan lahaa.

Ereyga ‘Electra’ waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa sheekobaraleydii Giriiggii hore.

Marxaladaha korniinka ee uu ilmuhu waxaa ka mid ah marxaladda saddexaad oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Phallic Stage’ waana da’da saddex sano jirka illaa lix jirka oo ah marka uu ilmaha korniinkiisa dhinaca jinsiga ahi bilowdo. Sida oo kalana ay kala bartaan kala duwanaanshiyaha labka iyo dhedigga, ama wiilka iyo gabadha.

Carl Jung markii uu bixinayey ereybixintan waxa uu ka tusaale qaadanayey mid ka mid ah sheekabaraleyda Giriiggii hore, oo sheegaysay in gabadh lagu magacaabo Electra ay walaalkeed ka doontay in uu dilo hooyadood, kaddib markii ay hooyadood dishay aabahood.

Gabadh Giriiggii hore ka mid ah oo lagu magacaabo Electra ayaa qorshaysay mu’aamarad aargoosi ahayd oo uu walaalkeeda Orestes ku kharaajiyey Agamemnon oo hooyadood ah iyo oday ay islaantu u dhaxday geeridii aabahood kaddib oo lagu magacaabi jiray Aegisthus. Hooyadood iyo ninkan ay u dhaxday ayaa dilay aabahood, sidaa awgeed ayaa ay u go’aansata in ay hooyadood iyo ninkaba disho. Sigmund Freud iyo saynisyahanka ka horreeyey ee Carl Jung iyaga oo ka duulaya qisadaas ay Electra ku dishay hooyadeed ayaa ay xaaladdan nafsiga ah ugu magacdareen.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA