Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

MAALQABEEN HANTI BADAN OO UU LAHAA KU WAAYAY XAAKIISII OO UU FURAY !

Maalqabeenka u dhashay Dalka Ruushka ee Kirill Northov ayaa waxa ay is dhibtay hantidiisii,sidoo kale waxa uu waayay xilkii uu ka hayay shirkada Sibur.

Kirill Northov iyo Katrina Tihonova

Maalqbeen Kirill ayaa waxa la sheegay in sababta dhibaatooyinkaasi ku keentay ay tahay Furniinka gabadha uu dhakay madaxwayne Putin ee magaceeda la yidhaahdo Katrina Tihonova ,lamaanahani ayaa waxa ay is guursadeen sanadkii 2013kii waxa aanu xiligaasi arooskoodii ka dhacay Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco.

 

Kirill ayaa waxa la xaqiijiyay in ay hantidiisu kor u kacday kadib markii ay Katrina is guursadeen waxa aanay hantidiisu gaadhay Laba Millyar oo Dollar lacag ka badan ,wakaalada wararka ee The Telegraph oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa ay baahisay in aan gudaha Dalkaasi Ruushka laga ogolayn in laga hadlo noolosha gaarka ah ee labad gabdhood ee uu dhalay Madxwayne Putin ee Katrina iyo Marina balse ay xogtaasi sheegaysa in Katrina iyo saygeedu ay kala tageen ay tahay mid si sir ah loo helay.

 

Sababta hoos u dhigtay Hantida Killir ayaa waxa ay tahay in kalsoonidii loo hayay laga noqday kalsoonidaaso ahayd in uu ka tirsanyahay qoyska ka taliya Dalka Ruushka maadaama oo uu qabay gabadha uu Dhalay Madaxwynaha dalkaasi waana sababta sidoo kale looga qaaday xilkii Gudoomiye ku xigeenka fulinta ee shirkadaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat