Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

MAALQABEEN U DHASHAY MARAYKANKA OO SI KULUL U DHALEECEEYAY LABADA SHIRKADOOD EE FACEBOOK IYO GOOGLE!

Maalqabeenka u dhashay Dalka Maraykanka ee magiciisa la yidhaahdo George Soros
Ayaa waxa uu hanjanaad kulul u soo jeediyay labada shirkadood ee Facebook iyo Google, George Sorosayaa isaga oo ku sugan Davos waxa uu hanjabaadaasi u soo jeediyay labada shirakadood ee ugu waawayn Shirkadah Tiknaloojiyada ee Dunida .

Astaamaha Facebook iyo google

George Soros ayaa waxa uu labadaasi shirkadood u tilmaamay in ay yihiin kuwa u xidhan dad gaar ah isla markaana sida la doono la adeegsado isla markaana ay jiraan dad danaystayaal ah oo sida ay doonaan u adeegsada una adeegsada sidii ay Diimuqraadiyada u kharibi lahaayeen , sida ay baahisay wakaalada wararka ee Sky News .

Maalqabeenkaasi ayaa waxa uu ka mid yahay ka soo qayb galayaasha shirka dhaqaalaha caalamiga ah ee ka socda Swiss Alps ee Dalkaasi Switzerland,maalqabeenka oo asal ahaan ka soo jeeda Dalka Hungary ayaa waxa uu sheegay in uu ugu tala galay in cadhiisada ugu badan uu kula dhaco labadaasi shirkadood .

Maalqabeenka ayaa waxa da’diisu waxa ay tahay 87 jir waxaana ka mid ah ahaa kalmadihii oo ka hor yidhi ka soo qayb galayaasha shirkaadi “labada shirkadood ee Google iyo Facebook waxa ay gacanta ku hayaan faa’iidooyinka laha helo xayaysiisyada kala badh amase intooda ugu badan”.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat