Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

MADAXWANAHA FALASTIIN OO MIDAWGA YURUB KA CODSAN DOONA IN AY AQOONSADAAN FALASTIIN!

Wasiirka Arrimaha Debadda Falastiin Riyad Al-Maaliki ayaa waxa uu sheegay maanta oo Axad ah in Madaxwaynaha Falastiin ee Maxamuud Cabaas in uu Midawga Yurub u gudbin doono codsi ah in ay Aqoonsadaan Dawlda Falastiin.

Riyad ayaa waxa uu sheegay in codsiga Madaxwayne Cabaas uu yahay mid jawaab u noqonaya Go’aankii Madaxwanaha Maraykanku uu Magaalada Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Isra’il.

Wasiirka arrimaha Debadda ee Falastiin ayaa waraysi uu siiyay shabakada wararka ee France Press waxa uu ku sheegay in ay Madaxwayne Cabaas ay ka go’antahay in uu ilaaliyo Nabada Bariga dhexe ,waxa aanu sii adkayn doona ballan qaadkiisa ka dhanka ah nabadgalyada Gobolka .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat