Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Maraykanka : Nin 60 jir ah oo ogaan waayay xaaskiisii oo ku dhex dhimatay aqalkoodii ay daganaayeen ilaa iyo intii uu Maydkeedu qudhmayay!

Hawraar (Chicago) Nin u dhashay Dalka Maraykanka Da’diisuna tahay 60 jir magiciisana la yidhaahdo Steven Selar ayaa waxa uu ogaan waayay xaaskiisii oo ku dhex dhimatay aqalkooda ay wada daganaayeen.

Stevem ayaa dhimashada xaaskiisii ogaaday kadib markii uu uriyay qadhmuunka Maydka xaaskiisa ,sidoo kalana waxa uu bilaabay in uu doon doono xaaskiisa markii ay la soo hadashay gabadh uu dhalay,Tamara Wilson oo ahayd xaaskii Steven ayaa ku dhex geeriyootay aqalkooda ay daganyihiin ee ku yaala Magaalada Chicago .

Steven ayaa waxa uu intaasi kadib war galiyay ciidamada Amaanka si ay arrintani u baadhaan,waxa aanay ciidamadu markii ay guriga soo gaadheen markii ba galeen qolkii ay ku dhimatay Tamara oo 58 jir ahayd isla markaana Saygeedii oo aqalka kula noolaa uu ogaan waayay dhimashadeeda.

Ciidamada amaanka ayaa waxa ay baadhitaan ku wadaan Steven baadhitaankaasi oo lagu kala ogaanayo in uu Steven laftiisu dilay iyo in kale .

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat