Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Qaar Ka Mid Ah Xadaaradihii Horee Dalka Masar Oo Haatan Laga Warbixiyay,Madaxda Wasaarada Hiddaha Iyo Dhaqanka Dalkaasi Oo Helay Goobo Taariikhi ah !

Dalka Masar ayaa ah dal leh xadaarado aad u tira badan oo qadiimi ah waxaana maalin walba la helaa dhisamayaal iyo goobo taariikhi ah oo dadkii hore ee dalkaasi ku noolaan jiray ay la tageen .

Dhul taariikhi ah

Waxa dhawaan laga helay dhulka taariikhiga ah Ahraamatka Dalkaasi Masar dhismayaal taariikhi ah iyo sidoo kale xabaalo ku yaala goobtaasi,waxa ugu la yaab badnaa oo goobtaasi taariikhiga ah laga dheegtay sida uu sheegay Wasiirka wasaarada Hiddaha iho dhaqanka ee Dalkaasi in halkaasi laga helat Xabaalo magicisa la yidhaahdo Al-sayida Xatbat waxa aanu xabaalhaasi cadeeyay xadaarad qadiimi ah oo dadku dhulkaasi ku noolaan jiray ay lahaayeen ,iyo sidoo kale qaabkii ay u noolaan jireen.

Waxyaabaha ugu cadcad uguna la yaabka badnaa ee Xabaalahaasi iyo sidoo kale dhismayaasha halkaasi laga helay salaamo ay dadkaasi hore ugu tala galeen Daanyeerka waxaanay saraakiisha Wasaarada Hiddaha iyo dhaqanka Dalkaasi sheegeen in ay dadkaasi hore Daanyeerka u adeegsan jireen arrimo sida in uu Daanyeerku u soo ururiyo Khudaarta kala duwan iyo sidoo kale garaacista Muusikada.

Salaamada Dadkii hore u sameeyeeb Daanyeerka

Waana sababta dhismayaal badan oo dadkaasi ay ka tageen ay uga muuqdaan Sawirada Daanyeerku.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat