Saaxiibtinimadu waa sida deeq raashin ah oo kale.
Socdaalka noloshu waa mid xiiso leh marka aad la dagaalanto daciifnimadaada. Mararka qaarkood cadawgaaga ayaa si fiican kuu bara saaxiibkaaga runta ah.

Haddii aad ku kalsoon tahay qof, kalsoonidaasi ha socoto ilaa dhamaadka … Dhamaadka waxaad heli doontaa saaxiib aad u wanaagsan ama cashar aad u wanaagsan

Saaxiibtinimada waa dareen, qofna ma sameyn karo, qofna ma jebin karo, qofna kuuma sharxi karo, kaliya waa wax la dareemi karo.

Saaxiibka dhabta ah waa mid ku garanaya sida aad tahay, ku fahmaya hadba xaaladda aad ku jirto weliba og heerka meesha aad joogto,

Waligaa ha dooran saaxiib aan si dhameystiran wax u fahmeyn, Marna ha lumin saaxiib fiican sababo yar oo ismaandhaaf ah darteed.

Saaxiibtinimadu waa cilaaqaad, waa nooc aan si sax ah u dooran karno sababtoo ah waxaan shaaca ka qaadeynaa dabeecadaheena qarsoon.

W/Q: Siciid Xagaa.

The post Saaxiibtinimo maxey tahay? W/Q Siciid Xagaa. appeared first on Daryeel Magazine.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA